Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Daawo: Sida uu Coronavirus toddobaayo uu u badelay dunida

    Video content

    Video caption: Saameynta ka dhalatay Coronavirus
  2. Drogba iyo Eto'o oo dhaleeceeyay 'dhaqaatiir soo jeediyay in Afrika lagu tijaabiyo tallaalka cudurka Corona'

    Didier Drogba  iyo Samuel Eto'o
    Image caption: Didier Drogba iyo Samuel Eto'o

    Labo ciyaartooy oo caan ah oo kasoo jeedo qaaradda Afrika ayaa cambaareeyay hadal kasoo baxay labo dhaqtar uu dhashay Faransiiska kuwaas oo soo jeediyay in tijaabada tallaalaka cudurka Covid-19 marka hore lagu tijaabiyo dadka Afrikaanka ah.

    Labada dhaqtar ayaa waxay ka qeybgalayeen dood ka baxday telefishin kasoo baxa Faransiiska.

    Didier Drodga wuxuu sheegay in Afrika aysan aheyn sheybaar lagu fuliyo tijaabooyinka.

    Halka ciyaartooygii hore ee u dheeli jiray xulka Cameroon Samuel Eto'o uu ku tilmaamay dhaqaatiirta inay yihiin 'dad dilaa ah'.

    Hadalka kasoo baxay dhaqaatiirta ayaa waxay si weyn u dheleeceeyay ururada kasoo jeedo midab takoorka iyo dad kale oo uga hadlay baraha bulshada.

    Koowdii bishan April ayay aheyd markii telefishinka laga leeyahay Faransiiska ee LCI uu wareysi la yeeshay labada dhaqtar ah ee kala ah Dr Jean-Paul Mira iyo Dr Camille Locht ay sheegeen in tijaabada tallaalka looga hortaggayo cudurka Covid-19 marka hore lagu fiiriyo Afrika.

    View more on twitter
  3. Coronavirus: Dhalinyaro?is xilqaantay oo u istaagay in gobolka Minnesota ay ku caawiyaan waayeelka iyo naafada

    Kaddib Markii dalka Maraykanka gobolada qaar la galiyey xaalad degdeg ah ayaa waxay saameyn ku yeelatay dadka ugu nugul bulshada, sida waayeelka soo galootiga ah oo ay qaarkood yihiin Soomaali.

    Warbixin amuurtaasi ku saabsan waxaa Minnesota ka diyaariyay Siyaad Siciid Saalax.

    Video content

    Video caption: Dhalinyaro?is abaabshay oo u istaagay in gobolka Minnesota ay ku caawiyaan wa
  4. Banddow habeen iyo maalin ah oo lagu soo rogay Maka iyo Madiina

    Waxaa hoos u dhacay tirada dadkii tegi jiray Xaramka
    Image caption: Waxaa hoos u dhacay tirada dadkii tegi jiray Xaramka

    Saraakiisha dalka Sucuudiga ayaa banddow habeen iyo maalin ah kusoo rogay magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina si looga hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19.

    Waxaana kamid ah xayiradda lagu soo rogay magaalooyinkan in aan la geli karin Maka iyo Madiina, banndowga waa mid soconaya muddo 24 saacadood ah.

    Waxaana magaalooyinka kale ee ku yaalla Sucuudiga looga dhawaaqay banndow xilliyada qaar.

    Khamiistii, wasaaradda caafimaadka ee boqortooyada waxay shaaca ka qaaday in sare ay u kaceen kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Corona gudaha dalkaas,oo ay gaareen 1885 halka guud ahaan dadka u dhintay cudurka gudaha Sucuudiga ay gaarayaan 16 qof.

  5. Coronavirus: Dad ku xayiran xadka Jabuuti iyo Somaliland

    Waddooyinka Jabuuti oo cidlo ah kaddib markii banddow lagu soo rogay halkaas
    Image caption: Waddooyinka Jabuuti oo cidlo ah kaddib markii banddow lagu soo rogay halkaas

    Shacab u dhashay dalka Jabuuti ayaa ka cawday dhibaata ku haysata magaalada Lowyacadde ee xadka ku taallo oo ay maalmo ku go'doonsan yihiin.

    Dadka cabanaya oo u badan dumar oo ku xayiran magaalada xuduudeedka Lowyacadde oo ganacsi u aaday dhinaca Somaliland ayaa dwladda Jabuuti ka codsaday iney dhibaatada haysata degdeg wax uga qabtaan oo loo oggolaado iney dalkooda dib ugu soo laabtaan.

    Dowladda Jabuuti waxay dalkeeda kaga dhawaaqday banddow 2 toddobaad soconayo si looga hortaggo faafidda Covid-19.

    "Waxaan imika ku suganahay...muddo shan habeen ah iyo shan dharaarood ah xadka Loowya cadde...warna ma heyno..madaxda reer Jabuuti waxaan leenahay, nin waliba dadkiisii wuu qaabilay in aad na qaabishiin oo aad noo timaaddiin oo aad na aragtiin oo wax na weyddiisiin, maxaad u diideen oo inoo dhageysaneysaan" waxaa sidaas tiri, Sucaado Daahir Jaamac oo ku xayiran xadka Loowya-Cadde xilli ay BBC-da la hadleysay.

    Dalka Jabuuti dadka uu cudurka Coronavirus ku dhacay waxay gaareen 40 qof iyada oo 2-di qof ee ugu horreysay ee laga helay cudurka ka bogsatayna laga fasaxa xarun karantiil oo ku taalla gobolka Carta.

    Waxaan isku daynay in aan xariir la sameyno wasaaradda caafimaadka iyo wasaaradda arrimaha gudaha Jabuuti si aan wax uga weyddinno arrintan balse inooma suurogelin.

  6. War deg deg ahTirada dadka uu ku dhacay Coronavirus gudaha Kenya oo kordhay

    Kenya waxay xaqiijisay 29 qof oo hor leh oo ku dhacay cudurka Coronavirus, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaas, Mutahi Kagwe.

    Guud ahaan dadka la xaqiijiyay ee laga helay cudurka gudaha Kenya waxay gaarayaan 110 qof.

    Waxaana cudurka u dhintay 3 qof.

  7. Coronavirus: Saameynta ka dhalatay banddowga lagu soo rogay Boosaaso

    Halkan waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya, Boosaaso, weli ma uusan gaarin xanuunka Carona, balse saamaynta ka dhalatay ayaa aad u damqaysa dadka danyarta ah ee halkaas ku nool.

    Video content

    Video caption: Halkan waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya, Boosaaso, weli ma uusan gaarin xanuunka Carona.
  8. Tirada dadka uu ku dhacay Coronavirus oo ku dhaw 1 Malyan oo qof

    Xayiraadda looga dhawaaqay Spain waxaa lagu wadaa in saameyn dhaqaale uu ku reebo dalkaas
    Image caption: Xayiraadda looga dhawaaqay Spain waxaa lagu wadaa in saameyn dhaqaale uu ku reebo dalkaas

    Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay cudurka Corona waxay ku dhaw yihiin hal malyan oo qof, dalka Mareykanka waxaa uu dhintay Coronavirus in ka badan 5,000 qof.

    Mareykanka waxaa saacadihii u dambeeyay u dhintay cudurka 884 qof, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University.

    Dalka Iiraan dhimashada waxay mareysaa in ka badan 3,100 qof halka Spain uu cudurka ku dilay 10,003 qof, waxaa saacadihii u dambeeyay cudurka u dhintay dalkaas 950 qof.

    Guud ahaan qaaradda Afrika waxaa la xaqiijiyay 6,449 qof oo uu ku dhacay cudurka Covid-19.

  9. Magaalo ku taalla Shiinaha oo laga mamnuucay cunidda hilibka bisadaha iyo eeyaha

    Inta badan shacabka Shiinaha ma cunaan hilibka eeyaha iyo bisadaha
    Image caption: Inta badan shacabka Shiinaha ma cunaan hilibka eeyaha iyo bisadaha

    Maamulka magaalo ku taalla dalka Shiinaha ayaa mamnuucay in la cuno hilibka eeyaha iyo bisadaha.

    Shenzhen waa magaaladii ugu horreysay ee Shiinaha ku taalla ee ku dhawaaqday in la mamnuucay hilibka bisadaha iyo eeyaha.

    Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii isticmaalka hilibka xayawaanada duur joogta ah lala xiriiriyay cudurka Corona, waxay arrintani horseeday in saraakiisha Shiinaha ay mamnuuceen hilibka xayawaanada duurjoogta ah.

    Sharciga maamulka Shenzhen uu ku mamnuucay cunidda hilibka bisadaha iyo eeyaha ayaa dhaqan galayaa 1-da bisha May ee sannadkan.

    Guud ahaan qaaradda Aasiya, waxaa sannad kasta laga qashaa 30 Malyan oo eey ah, sida laga soo xigtay ha'yadda Humane Society International (HSI).

    Ururada u doodo xuquuqda xayawaanada ayaa bogaadiyay tallaabadan ay magaaladaas ku mamnuucday cunidda hilibka eeyaha iyo bisadaha.

    Bishii Febraayo ayay aheyd markii mas'uuliyiinta Shiinaha ay mamnuuceen cunidda iyo ka ganacsiga hilibka xayawaanada duur joogta ah.

    Waxay tallaabadan timid markii ay soo baxeen wararka ah in suuq ku yaalla magaalada Wuhan lagu iibiyo hilibka xayawaanada duur joogta ah, arrintaas oo ay suuragal tahay inuu ka bilowday cudurka Corona, waxayna taas horseeday in feyraska uu usoo gudbo banii'aadanka.

  10. War deg deg ahIn ka badan 15 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

    Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay dagaal ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, sida uu BBC-da u sheegay, Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Koojaar) oo ah taliyaha nabad sugidda Jubbaland.

    Dagaalka ayaa u dhexeeya maleeshiyo beeleedyo ku sugan halkaas, Inkasta oo ay odayaasha iyo culimada deegaanka ayaa wadaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

    Dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeledyada ee ka dhacaya duleedka Kismaayo ayaa soo noqnoqday dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, waxana horey u guuldareystay dhawr heshiis oo dhinacyada is haya la dhex dhigay.

  11. Soomaaliya oo cafis u fidisay in ka badan 100 maxaabiis ah

    Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyay 148 maxaabiis ah oo loo heysta inay galeen dambiyo fudud, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

    Waxaa sii deynta maxaabiista looga golleeyahay ka hortaggida cudurka Coronavirus gudaha xabsiyada dalkaas.

    "Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Taliska Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay dadaal mug weyn geliyaan badqabka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiyada dalka, si looga hortago halista caafimaad oo ay u nugul yihiin" ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay 3 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona.

    Halka wasaaradda caafimaadka ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ay xaqiijisay labo kiis oo coronavirus ah in laga helay gudaha Somaliland.

    Somaliland waxay shaley ku dhawaaqday in xabsiyada laga sii deyn doono 574 maxaabiis oo u xiran dambiyada fudud.

  12. War deg deg ahKenya oo xaqiijisay dad hor leh oo ku dhacay Coronavirus

    Kenya waxay xaqiijisay 22 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka dalkaas.

    Waxay guud ahaan tirada kiisaska cudurka Corona ee Kenya ay gaarayaan 81 qof

  13. Somaliland oo cafis u fidisay in ka badan 500 maxaabiis

    Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi
    Image caption: Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi

    Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa cafis u fidisay 574 qof uu xiran dambiyada fudud, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

    Maxaabiistan ayaa laga sii deynaya xabsiyada Somaliland laga bilaabo maanta.

    "In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus" ayaa lagu sheegay wareegtada.

    Ha'yadaha xuquuqul insaanka ayaa dhawaan kula taliyay madaxweynaha Somaliland inuu xabsiyada kasii daayo maxaabiista loo heysto inay galeen dambiyada fudud si looga hortaggo feyraska Corona.

    Shaley ayay aheyd markii wasaaradda caafimaadka ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ay xaqiijisay in labo kiis oo coronavirus ah laga helay gudaha Somaliland.

  14. Natiijada doorashada guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu dhawaaqay

    Cali Saciid Fiqi
    Image caption: Cali Saciid Fiqi

    Waxaa lagu dhawaaqay in Cali Saciid Fiqi uu yahay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed kaddib markii uu ku guuleystay codad gaarayo 83 cod .

    Halka murrashaxii la tartamayay Maxamad Cabdiraxiim Nuur uu helay 2 cod halka ay halaabeen codad gaaraya 8.

  15. Tirinta codadka doorashada guddoonka baarlaamanka K/Galbeed oo socota

    Waxaa bilaabatay tirinta codadka doorashada guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana la filayaa in sacaadaha nagu soo aadan lagu dhawaaqo natiijada.

  16. Coronavirus: Islaamka iyo aafada Covid-19: Sidee loo aasayaa qofkii dhinta?

    .

    Tan iyo intii aafada Coronavirus ku habsatay dunida ee dadka tirada badan ugu dhinteen cudurkan, dunida daafaheeda, waxa fududaatay hadal haynta arrin ay dadku, si kasta oo ay u kala diin iyo dhaqan duwanyihiin ba, ka gaabsan jireen oo aanay jeclayn soo hadal qaadkeeda.

    Waa geerida iyo aaska dadka dhinta oo aadamuhu ka simanyihiin cabsida ay ka qabaan, soo hadal qaadkoodana ay u yaqaanaan saad baas.

    Way ka fursan weyday oo waxa qasab noqotay in qoomiyad kastaa ka fikirto oo ka dooddo sida ugu haboon ee qofkii u dhinta fayraska halista ah ee Covid-19, aaskiisa loo waafajin karo diinta bulshadaasi haysato iyo hab dhaqankeeda tacsida loo dhigo iyo baroor diiq wadareedka dhaqamada qaarkood u gaarka ah.

    Halkan ka akhri faahfaahinta:

  17. Doorashada guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed oo bilaabatay

    Waxaa si rasmi ah u bilaabatay doorashada guddoonka baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, xildhibaanada ayaa haatan codeynaya.

    Waxaa xilka guddoomiyaha baarlamaanka u tartamaya xilldhibaan Cali Saciid Fiqi iyo xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur.

    .
  18. Coronavirus: Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

    Nuur Cade- ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya
    Image caption: Nuur Cade- ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya

    Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada London, sida uu wilkiisa u xaqiijiyay BBC-da.

    Maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Britain.

    Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Cade oo la hadlay BBC-da ayaa dhawaan u xaqiijiyay in aabihii uu ku jiray isbitaal ku yaala magaalada London, halkaasina lagu dabiibayay, kadib markii sida uu sheegay uu ku dhacay cudurka Covid-19.

    Nuur Cadde ayaa waxaa loo magacaabay Ra'isulwasaare bishii November sanadkii 2007-dii, xilliggaas oo uu dowladda fadhigeedu ahaa magaalada Baydhabo .

    Waxaa uu Ra'iisul Wasaare ahaa tan iso 2009-kii, Nuur Cadde inta aanu noqon Ra'siulwasaare waxaa uu muddo dheer madax ka ahaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

  19. Doorashada guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu wado inay bilaabato

    Doorashada guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed

    Waxaa socotaa qabanqaabada doorashada guddoonka baarlamaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana halkaas ku sugan xildhibaanadii dooran lahaa guddoomiyaha iyo ku-xigeenada baarlamaanka Koonfur Galbeed.

    Waxaana gordhaw lagu wadaa inay bilaabato codeynta.

    Doorashada guddoomiyaha waxaa ku kala tartamaya Cali Saciid Fiqi iyo Maxamed Cabdiraxmaan Nuur.

  20. Somaliland oo laga helay kiisas coronavirus ah

    .

    Wasaaradda Caafimaadka ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa goor dhaweyd xaqiijisay in labo kiis oo coronavirus ah laga helay gudaha Somaliland.

    Labada qof ee laga helay cudurka loo bixiyay Covid-19 ayaa midi yahay qof Soomaali ah oo magaalada Burco jooga, halka ka kalena yahay nin u dhashay Shiinaha ah oo Berbera jooga.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay Muqdisho uga xaqiijisay 3 kiis oo kale.